Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan dhowr ajande looga dooday yeeshay

Kalfadhiga 4aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda Cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.

2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cuseb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

admin

(Sawirro) Shirkii IGAD oo la soo gebagebeeyey & Soomaaliya iyo Kenya oo ku heshiiyey..

Caydiid Ali

Markabka diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo lagu weeraray Badda cas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---