War-saxaafadeed kasoo baxay hay’adda Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu faah faahiyay howlgal lagu dilay saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab , kaa oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Hiiraan.
Hawlgalkan oo ay iska kaashadeen hay’adda NISA iyo Saaxiibada caalamka ayaa laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan, waxaana lagu dilay lix sargaal oo Al Shabaab u qaabilsnaa aruurinta lacagaha loo yaqaan Zakada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com