Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo ka codsatay IGAD shir deg deg ah oo looga hadlayo xiisada badda xilli ay …

Dowladda Itoobiya ayaa ka codsatay urur goboleedka IGAD qabashada shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda IGAD, kaa oo looga hadlayo xiisada ka dhalatay heshiiskii dhinaca badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

Wasaaradda arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya qoraal kasoo baxay ayaa looga codsaday dowladda Jabuuti oo xilligan ah hoggaanka IGAD in la qabto shir deg deg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dalalka IGAD.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in shirka IGAD isugu imaanayaan ay xukuumadda Adis Ababa dooneyso in ay  macluumaad dheeraad ah kaga bixiso heshiiskii Somaliland ay la galeen 1-dii bishan.

Hoggaanka IGAD ayaan la ogeyn in ay aqbali doonaan codsigan cusub ee ka yimid Itoobiya oo horey uga cudur daaratay shir ay madaxda IGAD ku yeesheen magaalada Kampala ,kaa oo looga hadlayay xiisada ka dhalatay heshiiskii Itoobiya la galeen Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ayaana wali dhankeeda ka hadlin codsigan Itoobiya ku dalbatay in dhir deg deg ah isugu yimaaadaan madaxda IGAD, dowladda ayaana horey shuruudo ugu xirtay in Itoobiya kala hadlaan xiisada kala dhaxeysa xilligan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada iyo Gudoonka Baarlamaanka oo la sheegay in ay ka shaqeenayaan Mudo kororsi

Cabdi Cade

In ka badan 42,000 oo buundo oo ay dulmaraan 167 milyan oo gaari oo xaaladooda laga dayriyey

Cabdi Cade

Shan gabdhood oo lagu kufsaday degaan ku yaalla koonfurta Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---