Allbanaadir.com
NEWS

Diyaarad F-16 ah oo milatariga Maraykanka lahaa oo burburtay iyo Duuliyihii diyaarada oo …

Diyaarad dagaal oo nuuceedu yahay F-16 ayna leeyihiin ciidamada milatariga ee dalka Mareykanka ayaa saakay oo Arbaco ah ku bur burtay xeebaha galbeed ee dalka Kuuriyada Koonfureed.

Warbaahinta Kuuriyada Koonfureed ayaa baahisay in diyaarada dagaalka ay saakay bur burtay xilli ay howlgal ku jirtay, lamana oga ilaa hadda sababta ka dambeysay bur burka diyaaradan dagaal.

Duuliyihii diyaarada bur burtay waday ayaa shilkan ka bad baaday, waxaana howlgal baadigoob ah oo la sameeyay lagu guuleestay in lasoo helo duuliyihii diyaarada ee shilkaasi ka bad baaday.

Diyaaradan dagaal ee ku bur burtay Kuuriyada Koonfureed ayaa noqoneysa middii saddexaad ee nuuceeda ah ee ku bur burto dalkaasi muddo sannad gudihiisa, waxaana socda baaritaano ku baadan sababaha keenay bur burka diyaaradahan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Arusha (Sawirro)

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay Booliska Malaysia ku wargelisay inaan ahay dembiile”

Caydiid Ali

Wararkii Ugu Dambeeyay xaalada magaalada Garawe iyo wafuud kusii jeeda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---