Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirrada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Talyaaniga oo Roma wadahadal ku yeeshay

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga XFS iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga oo kulan looga hadlayo wadashaqeynta labada Wasaaradood ee Arrimaha Difaaca ku yeeshay Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Dhiggiisa dalka Talyaaniga Guido Crosetto ayaa Kulan ay ku yeesheen Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga kaga wadahadlay xoojinta wadashaqeynta labada wasaaradood ee Arrimaha Difaaca.

Wasiirka Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa inta uu kulanka socday mahad-celin kaddib dhiggiisa la wadaagaay muhiimada ay Soomaaliya u leedahay taageerada Difaaca ee Saaaxibada Caalamka ee xiligan oo ay dolwadda iyo shacabka Soomaaliyeed ku jiraan dagaal xooggan oo ay isaga xoreynayaan Ururo Argagixiso ah oo dhibaato ku haya Soomaaliya iyo dalalka dariskaba.

Related posts

Ciidanka Macawsiley oo ugu dambeyn Al-shabaab ka saaray degaanka Caad (Sawirro)

Caydiid Ali

Taliye Indha-qarshe oo gaaray Kismaayo & Xog ku aadan ujeedada safarkiisa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga Galmudug oo si dadban uga hadlay iscasilaadii Taliye Burhaan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---