Xulka dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku guuleystay tartanka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir iyagoo rigooreyaal 4-1 ku garaacay xulka Hirshabelle.
Ciyaartan oo Final aheyd ayaa ka dhacday garoonka Kubada cagta Muqdisho Stadium ee magaalda Muqdisho oo maanta ay soo buuxiyeen taageerayaal ku dhow 100 kun oo illaa saaka aroortii ku qulqulayey.
Ciyaarta ayaa 90 daqiiqo ku soo dhamaatay goolal la’aan 0-0 ah waana kulankii labaad ee oo xiriir ah ee Galmudug ay rigooreyaal ku reebtay Banaadir iyo Hirshabelle.
Markii ay soo dhamaatay ciyaarta ayaa waxaa hawada magaalada Muqdisho isqabsatay rasaas culus oo loogu dabaaldegayo guusha ay gaartay kooxda Galmudug oo markii ugu horeysay ku guuleysatay tartanka dowlad goboleedyada.
Dowlada Somalia ayaa xoojisay amaanka caasimada gaar ahaan agagaarka garoonka ciyaaraha iyo wadooyinka soo gala oo Kumanaan askari la dhigay, iyadoo laga cabsi qabay rabshado dhexmara taageerayaasha labada kooxood oo maalmahan fariimo ay ku jireen kuwo qabyaaladeysan isku marinayey baraha bulshada.