Allbanaadir.com
NEWS

Gaari Al Shabaab qaraxyo kasoo buuxiyeen oo la qarxiyay iyo Khasaaro ka dhashay

Weerar qorsheysan oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo taageeraya ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu bur buriyay gaari la sheegay in kooxda Al Shabaab kasoo buuxiyeen waxyaabaha qarxa.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu shaaciyay in weerarkan lala beegsaday gaariga Al Shabaab qaraxyada kusoo rareen uu ka dhacay deegaanka Jeex Jeexa ee gobolka Mudug, halkaas lagu dilay dagaallamayaal gaariga la socday.

”Howlgal qorsheysan oo ay wadajir uga fuliyeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah deegaanka Jeex jeexa ee koofurta gobolka Mudug ayaa lagu beegsaday gaari Khawaarijtu ku soo raratay waxyaabaha qarxa iyo Maleyshiyaad la socday, howlgalka oo dhacay saaka salaaddii subax kadib ayaa lagu burburiyey Gaarigii walxaha qarxa cadowgu ku diyaariyey, waxaana halkaas lagu dilay tiro Maleyshiyo ah oo goobta ku sugnaa” ayaa lagu yiri warka dowladda kasoo baxay.

Weerarka lagu bur buriyay gaariga Al Shabaab qaraxyada kusoo rareen ayaa kusoo aadaya xilli ay kordheen duqeymaha dhinaca cirka ah ee lala beegsanayo gaadiidka ay wataan Al Shabaab iyo xarumo ay kooxdaasi leeyihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo la wareegtay Degmo Puntland qorsheeneysay in doorasho ku qabato

Cabdi Cade

Boqortooyada Sacuudiga oo shaacisay beri ay tahay maalinta koobaad ee bisha Ramadaan

Cabdi Cade

Saraakiil tiro yar oo Shaaciyay in Xilka ka tuureen Hoggaanmiye Paul Henri Sandaogo

Cabdi Cade