Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska Soomaaliya oo farriin u diray taageerayaasha Galmudug iyo Hirshabelle

Waxaa galabta lagu wadaa in garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadiom ka dhacdo ciyaarta fiinaalka ee koobka dowlad goboleedyada , waxaana galabta kulanka isaga hor imaan doono xiddiga kala matelaya Galmudug iyo Hirshablle.

Garoonka waxaa kusii qul qulaya taageerayaasha labada xul u sacaba tumaya, waxaana saakay si weyn loo adkeeyay ammaanka guud ee garoonka Muqdisho Stadiom iyo waddooyinka laga soo galo garoonkaasi.

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya qoraal kasoo baxay ayaa loogu baaqay taageerayaasha labada xul in ay ilaaliyaan xasilloonida ayna gacan ku siiyaan ciidamada ammaanka sugida amniga guud inta ay ciyaarta socoto.

“Farriin nabadeed muwaadin ciyaaruhu waa is-dhexgal bulsho iyo aalad lagu muujiyo nabadda iyo hormarka dalka ka jira. Hadaba, ka qeyb qaado sugida amniga ka hor cayaarta iyo inta cayaartu socoto iyo cayaarta ka dib.Ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo ciidamada kale ee ammaanku waxey diyaar u yihiin sugidda amniga iyo bad-qabka dadweynaha.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Madax katirsan dowladda Soomaaliya ayaana la filayaa in galabta ka qeyb galaan daawashada iyo soo xiritaanka ciyaartan xiisaha badan ee lagu soo gunaanadayo koobka dowlad goboleedyada ee sida xiisaha badan uga socday Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Musiibo ka taagan Canada oo halis Caafimaad ku haysa Malaayiin Mareykan ah

Caydiid Ali

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta oo talada dalkiisa xoog kula wareegay

Cabdi Cade

Dib u dhis lagu bilaabay xaruntii Inji ee laga saaray Ahlu Sunna (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade