Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni iyo Jimcaale Takar oo kulmay kuna heshiiyay guriga Faroole

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa durba bilaabay dedaalo uu kula heshiinayo siyaasiyiinta iyo saraakiisha kasoo horjeeda hab-maamulkiisa iyo in mar kale shan sanno hor leh loo doortay in uu hoggaamiyo Puntland.

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ayaa sheegaya in madaxweyne Deni xalay kulan fool ka fool ah la yeeshay taliyaha ciidanka Danab ee Puntland S/Guuto Jimcaale Jaamac Takar, sargaalkan ayaana si weyn uga soo horjeeday dib u doorashada Deni.

Kulanka ay yeesheen Siciid Deni iyo taliyaha ciidamada Danab ee Puntland ayaa ka dhacay guriga Senatror Cabdiraxmaan Faroole, waxa ayna labada dhinac kawada hadleen sidii loo soo afjari lahaa xiisadii horey u jirta ayna hal dhinac uga soo wada jeesan lahaayeen.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in heshiis rasmi ah lagu dhameeyay khilaafkii madaxweyne Deni iyo taliye Jimcaale Takar, iyadoo ciidanka Danab lagu soo celinayo xayndaabka dowliga ah loona ogolaaday xuquuqdoodii ciidanimo.

Heshiiska horu dhaca ah ae gaareen madaxweynaha Puntland iyo taliyaha ciidamada Danab ee Puntland ayaa loo ballamay in la fuliyo isbuucan, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda Madaxweyne Deni tago taliska Ligle ee saldhigga u ah ciidanka Jimcaale Takar.

Ciidankan oo taageero u ahaa mucaaradka Puntland ayaa ku noqday caqabad maamulka madaxweynaha, waxaana marar badan magaalada Garawe ka dhacay dagaal dhax maray ciidankan iyo kuwa ka amar qaata madaxweynaha Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo Magacaabay guddi ka kooban 11 xubnoood (Magacyada)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo gaadiid ku wareejisay labo dowlad Goboleed (Sawirro)

Cabdi Cade

Qalbi-dhagax oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Kismaayo (daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---