Weerar qorsheysan oo dhinaca cirka ah oo lagu dilay dagaalyahanno iyo saraakiil katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaan katirsan magaalada Buq-aqable ee gobalka Hiiraan.
War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar dhinaca cirka ah lagu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil aad loo baadigoobayay iyo dagaalamayaal katirsan Al Shabaab .
‘”Howlgal aad loo qorsheeyay oo lagu laayay Horjoogayaal iyo xubno kale ah ayaa ka dhacay magaalada Buq-aqable.Howlgalka ayaa lagu beegsaday laba gaari oo ay saarnaayeen Horjoogayaal aad loo doon doonayay” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Dowladda Soomaaliya faah faahin badan kama aysan bixin saraakiisha katirsan kooxda Al Shabaab ee lagu dilay weerarka ka dhacay magaalada Buq-aqable, waxa ayna sheegeen saraakiil katirsan dowlada in ay socdaan uruurinta xogta weerarkan.
Diyaaradaha dagaalka ee taageera dowladda Soomaaliya ayaa maalmahan kordhiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab , waxa ayna maalmihii lasoo dhaafay weeraro ka geesteen degmooyin katirsan maamulada Galmudug iyo Hirshabelle.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com