Allbanaadir.com
NEWS

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya oo raaligelin ka bixiyay wareysi uu ugu gefay Soomaaliya

Safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya danjire Mukhtar Maxmed Waare ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu raali-gelin uga bixiyay hadalo gaf ahaa uu u geestay midnimada iyo Qarannimada Soomaaliya.

Wareysi uu warbaahinta Itoobiya siiyay safiirka ayuu ku difaacay heshiiskii ay dhawwaan magaalada Adis Ababa ku gaareen Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Qoraal uu goordhaw bartiisa Twitterka ku daabacay safiirka Itoobiya u fadhiya Muqdisho ayuu raali-gelin buuxda uga bixiyay wareysigii uu bixiyay, waxa uuna cafis weydiistay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan raali galin ka bixinaya waraysigii aan dhawaan warbaahinta dalkeyga aan siiyey ma ahayn mid lagu qanci karo, waxaana cafis weydiisanayaa walalaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,Soomaaliya iyo itoobiya waxay wadaagaan xariir qoto dheer, waxaa iga go’an ka Safiir ahaan inaan si xoog ah ugu shaqeeyo oo aan xoojiyo xariirka labadeena dal ee walalaha si loo xoojiyo wada shaqeeynteena” ayuu yire danjire Mukhtar Maxmed Waare safiirka Itoobiya.

Raali-gelinta safiirka Itoobiya ayaa sidoo kale kusoo aadeysa xilli isna Ra’isul Wasaaraha Itoobiya dhawwaan shaaciyay in uu aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya ayna wadin xad-gudub ka dhan ah Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso : Afar Shuruud oo dowlada Somalia ku xirtay in in xayiraada laga qaado Jaadka Kenya

Cabdi Cade

Ciidamada Itoobiya oo Weerar Gaadmo ah ku dilay Ciidamo katirsan Milatariga Sudan

Cabdi Cade

R/W Rooble iyo Musharaxiinta oo gaaray Hotel Decale iyo iyo kulan toos ah oo furmaya

Cabdi Cade