Guudoomiyaha Golaha Badbaadada Hirshabeelle (GBH) Mudane C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnaamij) ayaa bogaadiyay booqashada taariikhiga ah ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga uu horkacayay ee booqday Jowhar maantaa 15-10-2018, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu Dhagax dhigay Xarunta Barlamaanka, Madaxtooyada, iyo Wasaarada Maaliyada Hirshabeelle.
Gudoomiye C/qaadir barnaamij ayaa yiri “Booqashada Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Wasiirada, iyo wafdiga qiimaha leh ee la socday waxay ahayd mid taariikhi ah, oo xanbaarsan dowladnimo, shacabka Hirshabeelle si aan kala har lahayn ayay u soo dhaweeyeeyn wafdiga, waxan bogaaadin Booqashada oo runtii ahayd markii labaad ee Ra’iisul Wasaaruhu booqdo Jowhar, waxaa farxad leh in la dhagax dhigay dhsimayaasha Xaruntii Barlamaanka, Madaxtooyadii iyo Wasaarada Maaliyada Hirshabeelle oo runtii muhim u ah geedi socodka horumarka Hirshabeelle”
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2018/09/Barnaamij.jpg?resize=260%2C334&ssl=1)
Gudoomiye C/qaadir Barnaamij ayaa intaa ku daray “ Golaha Badbaadada Hirshabeelle raali ayuu ka yahay dowrka iyo aragtida madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ee ku aadan Hirshabeelle, Goluhu wuxuu aaminsanaa, ka shaqeeyay, Madaxweynaha Hirshabeellana kula loolamay; in mar walba laga danbeeyo, la garab istaago, la fuliyo tilmaama iyo talooyinka Dowladda Dhexe”
Gudoomiye Barnaamij ayaa u mahad celiyay Wasaaradaha Qorsheynta Federaalka iyo tan Hirshabeelle oo ka soo shaqeeyay Mashruuca Dhismooyinka la dhagax dhigay iyo Hay’adda Somali Stability Fund
Gunaanadkii Gudoomiye Barnaamij ayaa ku baaqay “In madaxda Hirshabeelle fuliyaan talooyinkii dhaxal galka ahaa ee Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre maanta ka jeediyay Jowhar oo ay ka mid ahayd in laga bilaabo Hirshabeelle Barnaamijka Isxil qaan, sidoo kalana Barlamaanka Hirshabeelle uu ansixiyo Xeerka Shaqaalaha Rayidka oo horyaala si ay u hirgasho shaqaaleysiin Hirshabeelle”
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com