Allbanaadir.com
NEWS

Raisedon Zenenga oo loo magacaabay ku-xigeenka Ergayga QM ee Soomaaliya

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacabay Raisedon Zenenga oo u dhashay dalka Zimbabwe in uu noqdo Ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya .

Ergaygan cusub uu magacaabay António Guterres ayaa bedelaya Anita Kiki Gbeho oo u dhalatay dalka Ghana, taa oo dhawwaan dhameesatay muddo xileedkeedii, waxaana la filayaa in ergaygan cusub uu soo gaaro Soomaaliya si uu shaqadiisa cusub u bilaabo.

Raisedon Zenenga ayaa soo noqday ku-Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Liibiya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo Isuduwaha Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL) tan iyo 2020.

Diblumaasigan u dhashay dalka Zimbabwe ayaa ah khabiir dalal badan uga soo shaqeeyay Qaramada Midoobay muddo ka badan 30-sanno, waxa uuna shaqooyin kasoo qabtay dalal ay ku jiraan Liberia, Liibiya, Ciraaq,Kuweyt, Sierra Leone iyo Koonfurta Suudaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo War ka soo saartay shirka uu iclaamiyey Raisul Wasaare Rooble

Caydiid Ali

Xirnaanshaha Waddooyinka magaalada Muqdisho Xal kale haloo raadiyo !!

Cabdi Cade

Wiilka Museveni oo ku hanjabay in uu weerari doono Kenya haddii aysan raaligelin siin !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---