Allbanaadir.com
NEWS

Duqeyn ka dhacday Hiiraan oo lagu burburiyey xarunta keydka hubka Al Shabaab

Howlgal galinkii dambe ee maanta ay si wadajir ah  Gobolka Hiiraan uga fuliyeen ciidanka sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ayaa khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay sida ay sheegtay NISA.

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey xarunta keydka hubka Al shabaab.

”Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga” ayaa lagu yiri warka NISA.

Qoraalka NISA laguma sheegin inay jiraan dagaalyahano lagu dilay howlgalkaas iyo in kale, iyadoo degaanka Buq aqable uu ka mid yahay degaanada mudada dheer ay gacanta ku hayaan Al shabaab inkastoo marar badan laga saaray balse ay ku soo laabanayeen.

Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney gacanta ku dhigeen nin labo sano ka hor toorey ku dilay nin kale ka dib muddo badan oo la baadi goobayey.

Related posts

(Sawirro) Shixnadii ugu horreysay gargaar ay bixisay ICRC oo gaaray Tigray

Caydiid Ali

Wasiiro su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Maamulka gobolka Banaadir oo soo saaray amar lagu yareynayo ciriiriga jidadka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---