Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Israel oo eedeeyn culus dusha u saartay heyadda QM u qaabilsan Falastiin UNRWA

Ugu yaraan 12 ka mid ah shaqaalaha UNRWA – hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin – ayaa laga joojiyay heshiisyadii ay ku shaqeynayeen ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen inay ku lug lahaayeen weerarradii 7-dii Oktoobar.

Mareykanka ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA iyada oo dib u eegis ku sameyneysa eedeymaha.

Guddoomiyaha guud ee UNRWA Philippe Lazzarini ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Maamulka Israa’iil waxa ay UNRWA siiyeen xogta ku saabsan ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay dhowr shaqaale UNRWA ka tirsan weeraradii argagaxa lahaa ee lagu qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar.

“Si aan u ilaaliyo awoodda hay’addu u leedahay bixinta gargaarka bini’aadantinimo, waxa aan qaatay go’aan ah in aan si deg-deg ah u joojiyo qandaraasyada shaqaalahan oo aan bilaabo baaritaan si aan xaqiiqada loo ogaado” ayuu yiri

“Shaqaale kasta oo ka tirsan UNRWA oo ku lug lahaa falal argagixisanimo waa lala xisaabtami doonaa, oo ay ku jirto dacwad ciqaabeed” ayuu intaas ku daray.

Ururka Xoreynta Falastiin (PLO) ayaa ugu baaqay wadamada joojiyay taageerada ay siiyaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiin (UNRWA) inay “si degdeg ah uga laabtaan go’aankooda.

Mareykanka, Canada, Australia iyo Italy ayaa mid walba ku dhawaaqay inay hakiyeen dhaqaalihii ay siin jireen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin ee UNRWA ka dib markii Israel ay eedeeysay xubno ka tirsan shaqaalaha UNRWA inay ku lug lahaayeen weeraradii 7-dii October ka dhacay Israa’iil.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil, Israa’iil Katz, ayaa soo jeediyay in Israa’iil ay isku daydo in ay joojiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNRWA) in ay ka shaqeyso Gaza dagaalka ka dib.

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay khariidadii ay Itoobiya soo bandhigtay

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta oo yeeshay Wadahadalo Miro dhal ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulan xasaasi ah oo Asmara ku dhax maraya Madaxda Soomaaliya, Masar iyo Eritrea

Cabdi Cade
Taboola Ads ---