Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiin katirsan maamulka Jubbaland oo kormeeray xero ay ka baxeen ciidamada Itoobiya (Sawirro)

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland ahna ku simaha Madaxweynaha Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Ciidanka ee Madhamaato ee kutaalla duleedka Kismaayo.

Xeradan ay maanta booqdeen masuuliyiintan katirsan maamulka Jubbaland oo ay dhawaan ka guureen ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS.

Xeradan oo ay la wareegeen ciidamada hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland ayuu Madaxweynahu warbixin la xiriirta ka dhagaystay Sarakiisha Ciidamada ee la wareegay xeradan oo ay in mudo ah daganayeen Ciidamada ATMIS gaar ahaan kuwa kasocday dalka Itoobiya.

Related posts

Xukuumadda Ruto oo soo bandhigtay miisaaniyad muran badan dhalisay

Caydiid Ali

Weerar dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Magaalada Tel-aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Haweeney caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---