Allbanaadir.com
NEWS

Nin xaaskiisa oo uur laheyud iyo wiil yar uu dhalay xalay ku gubay Muqdisho

Waxaa xalay dhacdo dad badan ka naxeen ka dhacday degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, kaddib markii nin dhallinyaro ah guri ku yaallay degmadaasi ku gubay xaaskiisa iyo wiil yar uu dhalay.

Sida aan wararka ku helnay ninka dhibka geestay oo maseersanaa ayaa xaaskiisa oo la sheegay in ay laheyd uur lix bilood ah iyo wiil uu isaga dhalay ku bil bilay baasiin kaddibna dab qabadsiiyay.

Dad daris la ahaa qoyska ayaana si deg deg ah ugu gurmaday gabadha la gubay iyo wiilkeeda, waxaana dhaawac halis ah uu soo gaaray haweeneyda uurka laheyd oo magaceeda lagu sheegay Luul Cabdicasiis lagu daweenayaan isbitaal.

Ninka dhibka u geestay xaaskiisa iyo wiilka uu dhalay ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, ciidamada booliiska saldhigga degmada Dharkeenley ayaana la sheegay in wadaan howlgalo ay ku baadigoobayaan ninka dhibka u geestay qoyskiisa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan gubay xaaskiisa ay murmeen uuna jirdil u geestay kahor inta uusan guriga inta ku xirin haddana dab qabadsiin, waxa ayna dadka deegaanka dhacdadan ku sifeeyeen mid maseyr salka ku heysa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Beesha Caalamka oo ka hadashay Shirka Dhuusomareeb baaqna u dirtay Jubbaland iyo Puntland

Cabdi Cade

Al Shabaab oo Shaacisay tirada askarta ay ku dileen Qaraxii saakay ka Dhacay Muqdisho

admin

Israel oo duqeyn ku dishay Munir Al-Maqdah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---