Ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya jooga ayaa weerar cirka ah ka fuliyay gudaha dalka kaasoo lala beegsaday dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.
Duqeyntan ayay Maraykanku sheegeen in shalay oo ay taariikhda ku beegnayd 14-ka Octobar ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Araara kaasoo ay sheegeen in ay ku dileen afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Maraykanku ma tilmaamin halka uu degaanka kaga yaabo gobolada Somalia.
Waxa ay sheegeen inay haatan baaritaan ku wadaan in ay jiraan shacab ku wax yeellobay duqeynta.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in ciidamada Mareykanka ay sii wadi doonaan tallaabooyin kasta oo ay ku cirib tirayaan aragagixisada taasi oo ay la kaashan doonaan ciidamada AMMISOM iyo ciidamada qaranka ee Soomaaliya.
Milatariga Mareykanaka ayaa fuliyay Somalia sanadkan weeraradii ugu badnaa ee dhanka cirka ah, kaasoo ay ku beegsadeen dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com