Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo sheegay iney Muqdisho ku qabteen nin qaraxyo diyaarinayey

Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa sheegay iney Muqdisho qabteen xubin ka tirsan Al-shabaab oo diyaarinayey qaraxyo.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta NISA ay ku leedahay twitterka ayaa lagu sheegay in howlgalka ninkan lagu soo qabtay uu ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

“Howlgal ay ciidamada amaanka xalay ka fuliyeen nawaaxiga X-koontarool, ayay kusoo qabteen xubin AS ah oo maleegayay qarax uu ku haligo shacab badan. Howlgalka cidi wax kuma noqon. Nagu garab istaag ka hortaga cadowga ku howlan gumaadka shacabkeena” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Taliska ciidanka NISA kuma sheegin qoraalka magaca ninkan iyo halka rasmiga ah ee laga soo qabtay ninkan maadaama magaalada ay leedahay labpo Ex-kontrol.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

War cusub oo kasoo kordhay Taageerayaasha Arsenal ee lagu xiray Magaalada Jinja

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xassan Sheekh oo kormeeray dekeda Muqdisho

Caydiid Ali

Wasiir katirsan XFS oo u hanjabay Samiira Gaid iyo dowladda oo tallaabo yaab leh qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---