Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nin ku hubeysnaa bastoolad & bambooyin oo lagu dilay Baladweyne

Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa toogtay nin lagu eedeynayo inuu ka tirsanaa Al shabaab oo doonayay inuu dhibaato geysto.

Howlgalkaan oo ka dhacay xaafadda Buundo-weyn ayaa waxaa fuliyay Askar ka tirsan guutada 5aad qeybta 27-aad oo ku howlgalay xogta Bulshada Xaafadda Buundo-weyne.

Ninkan ayaa watay hub kala duwan sida Bam-gacmeed iyo Bastoolad.

Taliyaha guutada 5aad Qeybta 27-aad korneel Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa ku bogaadiyay howsha Qaran ee Ciidanka Xoogga qabteen, waxuuna carabka ku dhuftay inay dhammaatay waqtiga dadka bulshada indhaha u ah inta la dilo la oran jiray wuu baxsaday iyo lama yaqaan.

Bulshada Gobolka Hiiraan ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada amaanka si loogu guuleysto amniga Gobalka iyo Magaalada Beledweyne intaba.

Related posts

Mareykanka oo ka hadlay Heshiiska Dowlada iyo Ahlu Sunna gaareen

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo arrimo xasaasi ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Boqorkii K/Cagta dunida Pele oo geeriyooday isagoo 82 jir ah (Sawirro)

Caydiid Ali