Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe waxaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay Caleema Saarka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, kaasi oo ay kasoo qayb-galeen wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan shiikh Maxamuud, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya … iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha DFS.
Munaasibadda waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Wadaxweynayaasha Maamul goboleedyada Soomaaliya, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle, Hogaamiyaha SSC Khaatumo, Wufuud balaaran oo ka socotey Beesha Caalamka oo ay hogaaminayso wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Marwo Catriona Laing, Masuuliyiin ka socda Dowladaha Jabuuti iyo Kenya, Ra’iisul Wasaarayaal hore ee DFS, wefti ka socdey Dolad deegaanka Soomaalida Itoobiya, masuuliyiin ka mid ah Masharaxiintii Madaxweynaha Puntland 2024-2029, Madaxweyneyaal hore ee Dowladda Puntland, isimada dhaqanka, siyaasiyiin, ururada dhallinyarada iyo haweenka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si weyn uga mahadceliyey Wufuudda Balaadhan ee kasoo qayb-gashay Caleemasaarka Madaxda Puntland, isagoo ku baaqay Madaxweynuhu shirweyne wadatashi, kaasi oo lagu saxayo tabasho walba oo hadhaysay dhismaha geeddi socodka Dowladnimada Soomaaliyeed.
HOOS KA DAAWO SAWIRADA