Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud oo Garowe u jooga caleema saarka madaxweynaha Puntland ee mar labaad la doortay Saciid Cabdullahi Deni ayaa mar kale ka hadlay heshiiska ay Somaliland la gashay Itoobiya.
Waxaa uu sheegay ineysan waxba ka jirin hadalka Itoobiya ee ah in horumarka dalkooda uu ku xiran yahay iney helaan dhul badeedm isagoo xusay in dhaqaalaha Itoobiya uu korayey 30 kii samo ee la soo dhaafay, iyadoo aan bad laheyn ayna dhinaca kale jiraan dalal aan bad laheyn oo safka hore kaga jira kuwa ugu dhaqaalaha badan aduunka.
“Itoobiya waxay leedahay dhulkaan qeyb qaadanayaa bad aan dekad ka sameysano ayaan rabnaa anagaana dooraneyna meesha aan ka rabno, miyirka haa idin soo laabto, markaas ayaan kawada hadleynaa dekadaha iyo badahaba,4-5 dekadood markaas waan kawada hadli karnaa” ayuu yiri Xassan Shiikh.
Waxaa uu xusay in Itoobiya haddii ay rabto dekedo ay wax kala soo degto kana dhoofsato ay hadaba isticmaasho dekedo ku yaalla geeska afrika, kuwo kalena ay heli karto balse ujeedkeeda uu yahay oo kaliya iney dhul qaataan taasna aysan caqli gal aheyn.
“Waxa annaga iyo Itoobiya na dhex yaal ma aha wax ay ku eedeysan tahay Somaliland, shacabkeeda waan maqalnay waxa ay rabaan, ma dhacayso in Itoobiya dhul iyo bad naga hesho, haddii cidi wax ka maqan yihiin annaga Soomaali ah ayey wax naga maqan yihiin.” ayuu intaas ku daray Madaxweynaha.