Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay dhowr hoggaamiye oo sarsare oo ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarrada ay ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayey Badda Cas.
“Weerarada argagixisada joogtada ah ee Xuuthiyiinta ee maraakiibta ganacsiga iyo shaqaalahooda rayidka ah ee si sharci ah uga gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay halis gelinayaan silsiladaha sahayda caalamiga ah iyo xorriyadda socdaalka, taasoo muhiim u ah amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada caalamka,” ayuu yiri. Ku-xigeenka Xoghayaha Khasnadda Argagaxisada iyo Sirdoonka Maaliyadda Brian E. Nelson oo bayaan uu soo saaray.
Shaqsiyaadka la cunaqabateeyey waxaa ka mid ah Mohamed al-Atifi, oo kooxda ugu yeerto “Wasiirka difaaca” iyo sidoo kale hogaamiyayaasha ciidamada badda ee Xuutiyiinta.
UK ayaa iyana waxay ku dhawaaqday inay sidoo kale cunaqabatayn ku soo rogtay hoggaamiyeyaasha, tallaabo isku dubaridan oo ay barbar socoto Maraykanka. Dowladda UK ayaa sheegtay in cunaqabateyntan loo soo rogay si loo carqaladeeyo awoodda Xuutiyiinta ee ah in ay weerarro ku qaadaan maraakiibta caalamiga ah.
Xuutiyiinta ay Iran taageerto ayaa sheegay in weerarrada ka dhacay badda cas ay yihiin kuwo ay Israa’iil uga aargoosanayaan ololahooda millatari ee Gaza.