Allbanaadir.com
NEWS

Prof. Saciid Ciise: “Isbedel la sameeyo waxaa ugu horeeya wax ka bedelka dastuurka”

Waxaan si niyadsami leh u hambalyeynayaa dadaalada aan kala joogsiga lahayn oo ay ku dhiiradeen iney ku tilaabsadaan Madaxweynaaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud iyo ku xigeenkiisa, Raisul wasaare Mudane Xamze Cabdi Bare iyo dhamaan xildhibaanada labada gole oo garawsaday sida ay lagama maarmaanka u tahay dhameystirka dastuurka oo u baahan wax ka bedel la isugu dheelitirayo.

Waxaan rumeysanahay in la joogo marxaladii la turxaan bixin lahaa dastuurka qabyada ku raagey oo u baahan in la waafajiyo dowladnimada Soomaaliya oo ku tilaabsaneysa horumar casriyeysan oo ay ku hiigsaneyso isbedelo lagu sameeyo hanaanka maamulka dalka iyo dowladda, kaas oo u baahan in laga guuro hanaankii horay loo soo tijaabiyey oo ay Soomaaliya dowladnimadeeda ku soo hano qaadi weysey, balse ay ka bixi weysey kuf iyo kicid.

Soomaaliya maamulada goboladeeda oo dhan wuxuu ku dhisan yahay nidaaaam madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, taasna waxey kalifeysaa in sidaas oo kale ay dowladda dhexe u yeelato hanaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen oo si buuxda ugu madaxbanaan hogaaminta dowladda iyo horumarinta dadka iyo dalka, hanaankaas oo si buuxda uga madaxbanaan mooshin baarlamaan oo lagu carqaaaladeeyo madaxda dowladda.

Waxaan la yabay musharixiintii la tartantay madaxweynaha hadda xilka haya oo dhamaantood qudbadahooda gundhig uga dhigay iney isbedel ku sameynayaan damaystirka dastuurka oo hadda ku mucaaradsaan Madaxweynaha la doortay inuusan wax ka bedel ku sameyn karin dastuurka qaabyada ah 12 sano, waxaana meeshaas ka caad in siyaasadda mucaaradka ay ku saleysan tahay aragti shaqsiyadeed oo ay ku diidan yihiin maadaxweynaha.

Madaxweynaha hadda xilka haya waxaa la siiyey maandeyt qeexan oo lagula xisaabtaamayo wax ka qaabadkooda, kuwaas oo ay ka mid yihiin: dhameystirka dastuurka oo gunaanadkiisu u baahan yahay wax ka bedel; qaabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo u baahan in meesha laga saaaro hanaankii odeyaasha ay ku soo xulayeen baarlamaanka iyo in xildhibaanada baarlamaanka iyo madaxweynaha si toosa loo soo doorto.

Waxeyna taas u baahan tahay in laga guuro hanaanka ku dhisan baarlamaanka oo ay xildhibaanadu ku soo dooranayaan madaxweynaha, taas oo bedelkeeda loo baahan yahay in la hirgeliyo hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo raacsan habdhaqanka ku dhisan doorashooyinka ku dhaca qof iyo cod oo ay dadweynuhu si toosa u soo dooranayaan madaxweyne iyo ku xigeenkiisa iyo xildhibaanada baarlamaanka oo kala madaxbanaan.

Waxaa kaloo maandeytka madaxweynaha la siiyey ka mida in la dimoqaradiyeeyo hanaanka doorashooyinka dalka ka dhacaya, kuwaas oo u baahan in dalka laga hirgeliyo xisbiyo qaran oo ka kooban laba xisbi oo waaweyn oo aaragtidoodu ay ku saleysan yihiin fikrado ka fayow qaabiilka, kooxeysi diimeed, xagjirnimo, iyo u adeegid dano shisheeye, waxeyna tani ay kalifeysaa in dadweynaha dhamaantood laga wada qeybgeliyo baraaruga geedisocodkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamud wuxuu ku maahadsan yahay inuu maandeytkiisa sida ugu dhaqsiyaha badan uu u gudogalay inta uu bilowga ahaa mudo xileedkiisu, taas oo wax badan ka duwan sida caadada u ahayd madaxda dalka soo maamushay oo marka uu dhamaado ama uu gebogebo marayo mudo xileedkooda ay ku dhawaaqaan iney bilaabayaan wax ka qaabadka maandeytka lagu soo doortay.

Dastuurka oo lagu sameeyo isbedel ayaa furo u ah qabsoomida doorasho ay shacabku si toosa u soo doortaan madaxdooda, xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka hirgaala, maxkamadda dastuurka oo la sameeyo, hanaanka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo la qaato, iyo awooda maamul goboleedyada oo noqda kuwo ka hooseeya awooda dowladda dhexe, kuwaas oo dhan fulintoodu waxey ku xiran tahay dhameystirka qeexaan ee dastuurka.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com

Related posts

(Sawirro) Bashar Al-Asad oo shan cisho ka dib booqday goobaha dhulgarirka Siiriya

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo ka shiray xaalada Somalia oo ay ku jirto Laascaanood

Caydiid Ali

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodob xasaasi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---