Allbanaadir.com
NEWS

Kenya oo heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta qaaliga ah ee loo yaqaan Coltan

Dowladda Kenya ayaa heshay keydkii ugu horreeyay ee macdanta  qaaliga ah ee Coltan, waxa ayna tani u tahay dowladda Kenya guul weyn , iyadoona wax badan ka faa’iidi doonto macdantan.

Macdantan naadirka ah ee laga helay dalka Kenya ayaa loo isticmaalaa in lagu sameeyo baytariyada baabuurta korontada ku shaqeeya, telefoonnada gacanta iyo qalabyada kale ee elegtarooniga ah.

Wasiirka Macdanta, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Arrimaha Badaha ee Kenya Salim Mvurya ayaa Arbacadii sheegay in helida macdantan qaaliga ah ay la macno tahay hadda in rajadaas ay rasmi noqotay oo Kenya ay leedahay kaydka Coltan.

Kaydka macdanta Coltan ayaa laga helay lix gobol oo katirsan dalka Kenya , balse ilaa hadda lama ogaan karo qiimaheeda inta uu la egyahay, waxa ayna saraakiisha wasaaradda Macdanta sheegeen in baaris lagu wado macdantan iyo qiimaheeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo hordhac ah oo Dhuusamareeb ka dhacay & Villa Somalia oo ka hadashay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo tagay xarunta cusub ee loo dhisayo Xukuumadda (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulamo Xasaasi ah oo ka socda Villa Soomaaliya iyo Go’aankii Gudoomiye Mursal oo…

admin
Taboola Ads ---