Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Biixi oo magacaabay Wasiirka cusub ee Difaaca Somaliland kaddib is-casilaadii…

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu goordhaw soo saaray ku magacaabay wasiirka cusub ee gaashaandhigga Somaliland, kaddib is casilaadii wasiirkii hore ee gaashaandhigga Cabdiqani Caateeye.

Wareegtada uu soo saaray madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Cabdixakiim Siciid Bustaale oo ahaa wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, isaga oo sidoo kale magacaabay wasiir kuxigeen cusub.

Halkan ka Akhriso Wareegtada madaxweyne Biixi

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cabdixakiim Siciid Bustaale

Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo. Sidaa darteed, waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

1. In Dr. Rooble Muuse Cabdi Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Dr. Maxamuud Yuusuf Cilmi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso: Shan arrimood oo sabab u ah Khilaafka dhex mara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada

Cabdi Cade

Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaanka Baraag Maxamed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse oo furay Shirka bandhigga Dhaqaalaha Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade