Kooxo burcad ah oo ku hubeysnaa toorey ayaa xalay xaafada Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee degmada Dayniile waxa ay ku dileen nin dhallinyaro ahaa oo xaafadaasi ku lahaa xarun caafimaad.
Sida aan wararka ku helnay burcada ayaa jidka u gashay Dr Siciid Cabdulle Maxamuud, xilli uu kasoo baxay goob jiimka lagu sameeyo, waxaana dhaqtarka loo dilay kaliya moobeelkii uu watay oo laga dhacayay sida eheladiisa sheegeen.
Ciidamada ammaanka oo goobta dilku ka dhacay gaaray ayaa ku guul dareestay in ay soo qabtaan kooxdii dilka geesatay, waxa ayna saraakiisha ciidamada sheegeen in ay wadaan howlgalo lagu raadinayo burcada dilka ka dambeysay.
Dadka degan xaafada uu dilka ka dhacay ayaana aad uga argagay dilka loo geestay Dr Siciid oo ay tilmaameen in uu ahaa nin wannaagsan , waxa ayna laamaha ammaanka ugu baaqeen in lasoo qabto raggii dilkiisa ka dambeeyay.
Dilalka iyo dhibaatooyinka kale ay geestaan kooxaha burcada ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, burcada dhibaatada dadka u geesta qaarkood ayaana inta la xiro haddana maalmo kaddib lasoo daayaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com