Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi shaaciyay in Soomaaliya wajaheyso halis kaga imaaneysa dhinacyo kala duwan

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed kuwooda ugu saameynta badan ayaa sheeciyay in dalkeena xilligan wajahayo halis kaga imaaneysa dhinacyo kala duwan.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in Soomaaliya halista ugu weyn ay xilligan uga imaaneyso cadawga gudaha uu ku sheegay argagaxisada yihiin iyo sidoo kale iyo damaca shisheeye ee ku saleysan dhul boobka.

”Soomaaliya waxay wajahaysaa halis jiritaan oo ka imaanaysa cadawga gudaha ee argagexisada dawlad diidka ah, damaca shisheeyaha ee dhulboobka ah iyo isbeddelka dunida ee shantaada mooyee sharci cidna kaama celiyo ah” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaana sheegay iyada oo jiraan halista ay Soomaaliya wajaheyso in haddana aysan jirin baraarug ayna siyaasadda dalka noqotay mid cuqdad , aargudasho iyo xifaaltan ku saleysan.

”Siyaasadiina waxay noqotay calool u ciidamin, cuqdad, ciilqab, aargudasho iyo xafiiltan xaafadaysan. Wacyiga, feegijnaanta iyo dareenka shacabkuna ma xoogana, sidayse u ilxuntahay uma Alle la’a.” ayuu yiri xildhibaanka.

Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkan aad u kacsaneyd xiisada siyaasada Itoobiya ee ku dooneyso in ay boobto dhul Soomaali leedahay, taas oo jirto haddana la furay xiisad siyaasadeed oo ku aadan wax ka bedelka Dastuurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Midowga Yurub oo ka fiirsanaya inuu dacwad ku oogo shirkadda AstraZeneca

Caydiid Ali

Madaxweynaha Hirshabelle iyo Odayaasha beesha Xawaadle oo Heshiis gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Mala is dhihi karaa Safarkii Rooble ee Puntland wuxuu soo dadajiyay Shirka Mucaaradka iyo Maamul goboleedyada !!

admin