Allbanaadir.com
NEWS

Dowlad Yurub katirsan oo Ergay Soomaaliyeed u magacwday arrimaha nabadda Geeska Afrika

Dowladda Finland ayaa muwaadin asalkiisa Soomaaliya yahay usoo magacawday in uu noqdo argeyga gaarka ah ee u qaabilsanaan doona arrimaha nabadda iyo dhax dhaxaadinta geeska Afrika.

War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Findland ayaa Suldaan Saciid Axmed loogu magacaabay in uu noqdo ergayga gaarka ah ee arrimaha nabadda iyo dhex dhexaadinta geeska Africa oo xiisado siyaasadeed xilligan ka jiraan.

Mudane Suldaan Saciid Axmed ayaa horay u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland iyo ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda Finland u qaabbilsan nabadda iyo dhexdhexaadinta geeska Afrika.

Ergaygan oo wadahadalada khabiir ku ah ayaa la filayaa in durba shaqada dowladda Finland u xil saartay ka bilaabo geeska Afrika, waxa ayna magacaabistiisa imaaneysa xilli xiisad siyaasadeed u dhaxeyso dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo Qaar kamid ah Wasiiradii Xukuumada Kheyre oo…

Cabdi Cade

Madaxweynihii hore DDSI oo codsi u diray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Cabdi Cade

Maxkamadda gobolka Banaadir oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Antony Thomas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---