Allbanaadir.com
NEWS

Weerar lagu bur buriyay Goob Al Shabaab qaraxyo ku diyaarinayeen iyo Idaacada Andulus

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo kaashanaya sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa howlgal qorsheysan oo dhinaca cirka ah ka fuliyay gudaha degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud .

Telefishinka afka dowladda Soomaaliya ku hadla ayaa baahiyay in howlgalkan wadajirka ah ee laga fuliyay degmada Galhareeri lagu dilay ku dhawaad 20-xubnood oo katirsan dagaallamayaasha Al Shabaab.

Weerarkan dhinaca cirka ayaa sidoo kale warbaahinta dowladda sheegtay in lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab ku diyaarin jireen qaraxyada iyo idaacada kooxda Al Shabaab afkeeda ku hadasha ee Al Andulus.

Saraakiisha dowladda ayaana sheegtay in faah faahino dheeraad ah ka bixin doonaan weerarkan saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, halkaas oo koxda Al Shabaab xarun weyn u ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey dayuuradii lagu soo riday Berdaale & Ganacsade caan ah oo

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Ciyaartoyda lagu laayay ee ka dhacay Kismaayo

Cabdi Cade

Markab Dagaal oo Ruushka lahaa oo la weeraray lana bur buriyay iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---