Faahfaahino ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay meel ku dhow garoonka Ciyaaraha Muqdisho Istadium xili ay ka socotay garoonka ciyaar ka tirsan tartanka Dowlad goboleedyada oo dhexmareysay xulalka Galmudug & Banaadir.
Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Labo dhagax iyo isgoyska Cali Kamiin oo ka tirsan wadada 30ka halkaasoo dhowr boqol oo talaabo u jira garoonka ciyaaraha.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu yimid ka dib markii ciidamada Booliska ay rasaas ku fureen nin waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay oo laga shakiyey markii uu diiday inuu joogsado si loo baaro.
Askari ka tirsan ciidanka Booliska iyo dad shacab ah oo goobta ka dhowaa ayaa la sheegay iney ku dhaawacmeen qaraxaas, sidoo kale qaraxa ayaa sababay dab qabsaday kaalin shidaal oo halkaas ku tiilay iyo guryo kale oo basbeelay
Qaraxa ayaan wax saameyn ku yeelan ciyaartii ka dhaceysay garoonka Muqdisho Istadium oo ay soo buuxiyeen galabta taageerayaal ku dhow 100 kun qof, waxaana ciyaartii galabta oo semi final aheyd ay ku dhamaatay 5-4 rigoorayaal ah oo ay ku badiyeen Galmudugka dib xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta ay wax goolal ah kala dhalin waayeen.
HOOS KA DAAWO SAWIRRO