Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Muqdisho Istadium oo ay ka socotay..

Qarax ayaa ka dhacay galabta meel ku dhow  garoonka Ciyaaraha Muqdisho Istadium xili ay ka socotay garoonka ciyaar ka tirsan tartanka Dowlad goboleedyada oo dhexmareysay xulalka Galmudug & Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee wadada 30ka oo dhowr boqol oo talaabo u jira garoonka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid ismiidaamin ah oo fuliyey qof waxyaabaha qarxa dhexda ku soo xirtay inkastoo aan la ogeyn cida lala beegsaday.

Ciidamada amaanka DF ayaa la sheegay iney qaraxa ka dib fureen rasaas, lamana oga illaa hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas inkastoo la soo sheegayo in dad ku dhaawacmay qaraxyada iyo rasaasta la geeyey goobaha caafimaadka qaarkood.

Qaraxa ayaan wax saameyn ah ku yeelan ciyaartii ka dhaceysay garoonka Muqdisho Istadium oo ay soo buuxiyeen galabta taageerayaal ku dhow 100 kun  qof, waxaana ciyaartii galabta oo semi final aheyd ay ku dhamaatay 5-4 rigoorayaal ah oo ay ku badiyeen Galmudug ka dib markii xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta ay wax goolal ah kala dhalin waayeen.

Related posts

Daawo Video:-Madaxwaynihii ugu sabool sanaa Dunida uguna cadaalad wanaagsanaa wax ka baro ?

admin

(Sawirro) RW Ku Xigeenka Soomaaluya & Mr. Gilles Michaud oo ka wada hadlay..

Caydiid Ali

DAAWO TOOS: Xassan Shiikh oo kulan dadweyne lagu weydiinayo Su’aalo adag

Caydiid Ali
Taboola Ads ---