Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen iyo wafdi uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garawe (Sawirro)

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhoweyey Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni, Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Goliyaasha Dowladda Puntland iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Magaalada Garoowe ayaa Wafdiga Madaxweyne Laftagareen uu Hogaaminayey kuso dhoweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe.

Socdaalka Madaxweyne Laftagareen iyo Wafdiga uu Hogaaminayo ee Magaalada Garoowe soo gaaray ayaa ah ka qeybgalka Caleema-saarka Madaxweynaha la doortay ee Puntland Mudane Saciid Cabdulaahi Deni.

Related posts

Dalladda Qurbajoogta Ururrada GalMudug ee Yurub oo dooratay Guddoomiye & ku-xigeen (VIDEO NEWS)

admin

Ciidamo ka tirsan dowlada oo dil fool xun ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Taliye Sare oo Israeli ah oo lagu dilay weerar gaadmo ah oo lagu qaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---