Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif: “Waa wax aad looga xumaado wixii ka dhacay maanta kulankii labada aqal”

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Shiikh Axmed ayaa sharci daro ku tilmaamay qaabkii maanta labada gole ee baarlamanka Somalia ansixiyeen qorshaha wax ka bedelka dastuurka.

Shiikh Shariif ayaa ka mid ah siyaasiyiin mucaarad ah oo diidan sida DF u wajaheyso wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka Somalia

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SHARIIFKA

Bismillahi,

Dustuurku, waa sharciga ugu sarreeya dalka, waxa uu quseeyaa cid kasta, hab raaciisuna waxa uu leeyahay muhiimad aad u wayn, ku dhaqan iyo ixtiraamna waxa uu ku mutaystaa habka loo sameeyo.

Waxaa wax aad looga xumaado ah wixi ka dhacay maanta kulankii labada aqal ee Baarlamaanka, ma ahayn hab dhaqan u qalama BFS iyo shacabka Soomaliyeed.

Waxaan cambaaraynayaa habka gurracan ee loo agaasimay kulankii maanta ee Baarlamaanka iyo go’aankii loo gaaray habka khilaafsan xeerarka dalka iyadoo aan waxba la xeerin.

Waxaan la soconnaa in muddo ah in laga codsanayay Guddoonka labada Gole in la sameeyo Xeer-hoosaadkii kulamada wada jirka ah ee ay ku wada shaqeyn lahaayeen labada gole ee Baarlamaanka JFS sida uu dhigayo qodobka 62aad ee Dastuurka KMG ah, faqradiisa 2aad balse uu ka dhaga adeegay guddoonku.

Xeer-hoosaadyada labada Aqal xeer in la ansixiyo wuxuu u dajiyay hab loo maro, marka uu marayo marxaladda ansixinta, waa in xildhibaannada loo qaybiyo inta aan la ansixin ka hor maalmo, si ay ugu soo baaraan degaan, sidaa daraadeed waa sharci darro dhaawacaysa sarraynta shaciga, midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka xilli loogu baahi badanyahay in habraac aan golaha laga qaybin Akhrintiisii labaad kadib la yiraahdo waa la ansixiyay.

Marxaldda lugu jiro darteed madaxda qaranka waxaa waajib ku ah in ay raacaan sharciga kana fogaadaan wax kasta oo baal marsan sharciga.

Related posts

Wasaaradda Maaliyada Puntland oo soo rogtay Canshuur ka yaabisay dad badan

Caydiid Ali

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Wakiillo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Cabdi Cade

Aawey Maamulkii G/Banaadir? (Nadaafad xumo baahsan oo ka taagan Muqdisho)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---