Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Ra’isul Wasaare Kheyre oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Jowhar (Daawo Sawirada)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka kooban labada golle ee dowlada ayaa gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle.

Wafdiga Ra’isul Wasaare Kheyre waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabelle, Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Jowhar.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu joogo magaalada Jowhar waxa uu xariga ka jari doonaa mashaariic kala duwan oo laga fulinayo magaalada Jowhar, waxa uu sidoo kale la kulmi doonaa Madaxda Hirshabelle.

Dowlada Soomaaliya ayaa taageero iyo garab istaag u muujineysa maamulka Hirshabelle oo ka hor yimid go’aanka Maamulada kale ee dalka xiriirka ugu jareen dowlada Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo Cadeeyay mowqifkiisa dagaalka Al Shabaab codsi muhiim ahna diray

Cabdi Cade

Sharciga Maamulka Dakhliga iyo dhiirigilinta Canshuur bixiyaha oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Somtel oo Macaamiisheeda usoo bandhigtay adeeg cusub oo raqiis ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---