Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo xariga ka jaray dib u howlgelinta Isbitaalka Sheekh Sayid (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dib-u-howlgelinta Isbitaalka Sheikh Zayid ee magaalada Muqdisho oo ay maalgeliso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Isbitaalka Sheikh Zayid ayaa uga mahadceliyey Dowladda Imaaraadka Carabta doorka iyo taageerada ay ka geysaneyso dib u dhiska iyo soo nooleynta adeegyada bulshada ee dalka.

Isbitaalkan dib looga howlgaliyay magaalada Muqdisho waxaa maalgalinaya sidoo kale dhistay dowladda Imaaraadka, isbitaalkan ayaan horey u xirmay markii uu khilaaf soo kala dhax galay dowladdii Farmaajo iyo Imaaraadka Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa hadda kamid ah dowladaha mashaariicda kala duwan ka fuliya Soomaaliya, waxa ayna dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh dib usoo celisay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Imaaraadka.

Related posts

Ciidanka PSF oo Boosaaso ku qabtay walxaha qarxa & Koox diyaarinaysey (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo markii ugu horeysay ciidamo hubeysan kala degay Garoowe (Sawirro)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaaraha Somalia & Wafdi uu horkacayo oo galabta ka ambabaxay dalka

Caydiid Ali