Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku leh magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in ay ansixiyaan wax ka beddelka Dastuurka KMG ee dalka lagu maamulayay.
Siyaasiyiin badan ay ku jiraan musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartamay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor yimid wax ka beddelka Dastuurka, waxa ayna sheegeen in aan la joogin xilligii Dastuurka la beddeli lahaa.
Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaana difaacay go’aanka wax ka beddelka loogu sameenayo Dastuurka KMG , waxa uuna xusay in Dastuurku yahay furaha dalku yeesho.
Waxa uu sheegay wasiirka in wax ka beddelka Dastuurka lagu sameenayo ay kasoo horjeedaan musharaxiin madaxweyne uu sheegay in ballan-qaadkoodii uu kamid ahaa in ay wax ka beddelayaan Dastuurka haddii xilka madaxweynaha loo doorto.
”Ansixinta Habraaca dastuurku waa furaha in dalku yeesho dastuur dhammaystiran. Carqaladaynta hawshaas qaran weliba kuwii ku khudbeynayey 20 bilood ka hor in dastuurka wax ka bedelkiisa ay ka shaqayn doonaan waxay la macno noqonaysaa kuwo horumarka dalka iyo horay u socoshadiisa dhibsanaya” ayuu yiri wasiirka.
Dastuurka ayaa qodobka ugu muhiimsan ee madaxtooyada Soomaaliya dooneyso in hadda wax laga beddelo ayaa waxaa kamid ah in meesha laga saaro xilka Ra’isul Wasaaraha, taa badalkeedana lagu beddelo madaxweyne kuxigeen uu dalku yeesho.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com