Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar xooggan oo qaraxyo ku bilowday ku qaaday deegaanka Caad

Kooxda Al Shabaab ayaa saakay waabarigii hore weerar xooggan oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhig ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ku leeyihiin deegaanka Caad ee gobolka Galgaduud.

Dagaal xooggan oo hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayaana ka dhacay saldhigga weerarka lagu qaaday, waxaana weerarkaasi ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasjo iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya oo soo xiganeysa saraakiil ciidan ayaa sheegtay in weerarka saakay Al Shabaab ku qaadeen deegaanka Caad lagu jabiyay, waxa ayna tabiyeen in ciidanka oo hayay xogta Al Shabaab ay weerarkaasi fashiliyeen.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhankooda guul weyn ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen deegaanka Caad, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay la wareegeen saldhigga weerarka ka dhacay ayna khasaaro badan gaarsiiyeen ciidankii halkaasi joogay.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaana dhawwaan Al Shabaab ka saaray deegaanka Caad oo saldhig muhiim u ahaa, waxa uuna weerarkan imaanayaa xilli Al Shabaab inta badan laga saaray deegaannadii ay ka joogeen gobolka Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaaradda amniga Xukuumada Soomaaliya oo amaro cusub soo saartay

Caydiid Ali

Dagaal ka socda qeybo ka mid ah Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Xildhibaano iska casilay Xisbiyada ay kala hogaamiyaan Madaxdii hore ee DF (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---