Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Doha ayaa la kulmay saraakiil katirsan ciidamada cirka dalka, kuwaa ka qalin jabiyay Kulliyadda Al-saciim ee ciidamada cirka dalka Qatar.
Saraakiishan ayaa kamid ahaa saraakiil ka kala socotay dalalka Qatar ,Urdun iyo Soomaaliya oo maanta loo soo xiray tababar in muddo ah u socday oo la barayay taakuleynta ciidanka Cirka.
Tababarkan intii uu u socday ciidanka cirka ee dalalka Qatar, Soomaaliya iyo Urdun waxaa kaalinta koowaad u galay Saciid Cali Cabdilaahi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dhammaan Saraaakiisha uu la kulmay ku bogaadiyey dadaalka iyo kartida ay muujiyeen muddada uu socday tababarku, waxa uuna si gaar ah ugu hambalyeeyey Saciid Cali Cabdilaahi oo magac u soo hoyay ciidamada cirka kaalinta koobaadna ka galay tababarka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com