Allbanaadir.com
NEWS

Booliiska oo xiray dad falal amni daro ka sameeyay Stadiom Muqdisho Digniina diray

Ciidamada booliiska ee sugaya ammaanka garoonka kubadda cagta ee Stadiom Muqdisho ee ka socdaan tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa xiray dad falal ammaan daro ka waday gudaha garoonka.

War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamada xireen intii ay ciyaarta socotay iyo markii ay dhammaatay kaddib dhallinyaro falal ammaanka lidi ku ah halkaasi ka sameeyay.

”Taliska booliiska Soomaaliyeed, wuxuu ummadda ku wargalinayaa in cayaaraha tartanka Kubadda Cagta oo maanta ay cayaareen xulalka Hirshabelle iyo Jubbaland intii cayaartu socota iyo kadib xir xireen tiro dad ah oo amniga iyo badqabka agabka garoonka wax u dhimay. Isla markaana, aan u hoggaansamin faritaanada ciidanka ammaanka” ayaa lahu yiri warka kasoo baxay booliiska.

Booliiska ayaa sidoo kale sheegay in dadka la xir xiray dhawwaan la horgeyn doono maxkamad, waxa ayna digniin u direen taageerayaasha beri xaadiraya kulanka Banaadir iyo Galmudug iyaga oo sidoo kale faray in ay dhooraan amniga una hoggaansamaan amarada booliiska.

Kulanka beri wada ciyaarayaan Banaadir iyo Galmudug ayaa la filayaa in ay garoonka xaadiraan taageerayaal aad u badan, waxaana laga cabsi qabaa in taageerayaasha labada xul oo ah kuwa xamaasad badan ay sameeyaan falal amniga lidi ku ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Farmaajo oo Khudbad ka jeediyay munaasabadda dhaqan-gelinta heshiiska nabadeed ee Suudaan

Cabdi Cade

Madaxdii hore ee dalka oo la kulmay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif (Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada : Quruxda Xaafada Daarusalaam iyo sida maanta loogu damaashaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---