Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay qaar kamid ah xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka federaalka, kuwaa oo kasoo horjeeda wax ka bedel beri lagu sameeyo Dastuurka dalka u yaalla.
Xildhibaannadan Muqdisho ku shiray ayaa isla gartay in wax kabedelka Dastuurka uu yahay waajib saaran labada gole , laakiin uusan xilligan meelmar noqon karin ilaa laga dejinayo xeer ay labada gole ee Baarlamaanka ku wada shaqeeyaan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xildhibaanada maanta ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in beri la damacsan yahay qaab gacantaag oo qardojeex ah lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka, taa oo abuuri karta xiisad.
”Qorshaha la damacsan yahay in maalinka beri ah gacan taag iyo qardaxjeex lagu ansixiyo hanaanka loo marayo dib u eegista dastuurka waa mid baalmarsan dastuurka iyo sarraynta sharciga, islamarkaana kala qaybinaysaa ummadda Soomaaliyeed, xilli ay ugu baahi badan tahay midnimada iyo wadajir ay dalkooda kaga difaacdaan damaca Itoobiya” ayuu yiri xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay madaxda Qaranka halkii laga sugayay in ay la yimaadaan istaraatiijiyad iyo abaabul Qaran oo dalka looga difaaco cadawga Itoobiya in ay ka doorbideen in ay abuuraan xiisad siyaasadeed oo kala dhantaalada wadajirka umadda.
Shirkan xasaasiga ah ay maanta yeesheen xildhibaanadan katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa imaanaya xilli beri oo Arbaco ah lagu wado in xildhibaanada labada gole meel mariyaan wax ka bedelka Dastuurka ayna hirgaliyaan damaca Madaxtooyada .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com