Saraakiil katirsan ciidanka Milatariga Soomaaliya oo soo dhameestay tababar ay ku qaateen saldhiga Milatariga Turkiga ku leeyihiin Muqdisho ayaa maanta mar kale tababar loogu qaaday dalka Turkiga.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Amar Dambe ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay 60-sargaal oo isugu jira Saraakiil iyo saraakiil xigeeno oo tababar dheeraad ah loogu qaaday Turkiga.
“Waxaan Maanta Garoonka Aden Cade ka sii Sagootiyay Saraakiil Tababar loogu qaaday dalka Turkiga Tiradooda waa 60 Sargaal oo ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Gaar ahaan Saraakiishii iyo Saraakiil Xigeenadii ka Qalin jabisay Kuliyada Tababarada ee Turki Som”.ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.
Saraakiisha maanta tababarka loogu qaaday dalka Turkiga ayaa isugu jiray Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen, Hogaanka Maamulka Ciidanka Xoogga Iyo Saraakiil kale oo loo qaaday Tababar gaar ah oo kumaandoos ah.
Dowlada Turkiga ayaa safka hore hada kaga jirta dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca ciidanka gaar ahaan tababarada , waxaana Turkiga Muqdisho ugu yaala saldhiga ugu weyn ee ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com