Ra’isul Wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka digay isku day ay wado madaxtooyada Soomaaliya, kaa oo la doonayo in wax looga bedelo Dastuurka KMG ee dalka u degsan.
Qoraal uu soo saaray Xasan Cali Kheyre ayuu uga digay halista ku geddaaman isku day Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka dalka, iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo cutubka 15-aad ee Dastuurka.
Kheyre ayaa sheegay in isku daygan Dastuurka dalka wax looga bedelayo uu yahay tallaabo khatar ku ah xasilloonida dalka iyo wadajirka ummadda,waxa uuna xusay in arrintan ay Soomaaliya u horseedi karto khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed.
”Waxaan ka digayaa halista ku geedaaman isku-dayga ay Madaxtooyadu ku doonayso in ay ku beddesho Dastuurka Dalka iyadoo aan loo marin habraaca uu qeexayo Cutubka 15aad ee Dastuurka. Waa tallaabo khatar ku ah xasilloonida Dalka iyo wadajirka ummadda, Soomaaliyana u horseedi karta khilaaf hor leh iyo hubanti la’aan siyaasadeed” ayuu yiri Kheyre.
Xasan Kheyre ayaa ugu baaqay madaxda dalka in ay ka fogaadaan wax kasta oo kala dhantaali kara wadajirka iyo dareen-wadareedka Ummadda, waxa uu sidoo kale ugu baaqay xildhibaanada labada Aqal in ay ilaaliyaan ammaanka ayna diidaan arinkan.
Hadalkan kasoo yeeray Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa imaanaya xilli beri lagu wado in xildhibaanada labada Aqal wax ka bedel ku sameeyaan Dastuurka dalka ayna meesha ka saaraan xilka Ra’isul Wasaaraha oo lagu bedelayo madaxweyne kuxigeen.
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com