Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay taliyaasha Ciidamada iyo masuuliyiin kale (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu isugu yeeray madaxda hey’adaha amniga iyo difaaca Qaranka kaasi oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo warbixinno ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

Related posts

Itoobiyaankii ugu badnaa oo laga tarxiilay Puntland (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Federaalka oo gargaar u fidinaysa dhaawacyada culus ee qaraxyadii Baydhabo

admin

Madaxweyne Qoorqoor oo warbixin xasaasi ah laga siiyey amniga Galmudug

Caydiid Ali
Taboola Ads ---