Nin hubeysan ayaa xalay degmada Yaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa ardadydii sannadkii hore kaalmaha hore ka galay imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.
Hanad Cali Xuseen oo ahaa ardaygii galay kaalinta 7-aad ee imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare sanandkii 2023-kii ayaa xalay lagu dilay degmada Yaqshiid, waxaana dilay nin la sheegay in uu kamid ahaa dadka deegaanka.
Wiilkan ayaa la sheegay in la dilay xilli uu kasoo baxay garoonka kubadda cagta lagu ciyaaro oo kuyaalla degmada Yaqshiid, waxaana goobta si deg deg ah uga baxsaday gacanlkudhiiglihii ka dambeeyay dilka.
Ehelada wiilkan la dilay ayaa sheegay in uu Hanad isku diyaarinayay in jaamacad u aado dalka Ruushka, waxa ayna xuseen in wiilkan uu hadda ku jiray diyaargarogii ugu dambeeyay ee safarkiisa waxbarasho.
Hooyada dhashay wiilkan la dilay iyo xubnaha kale ee qoyskiisa ayaa ka dalbaday laamaha ammaanka in ay gacanta kusoo dhigaan ninkii nolosha u aqoonsaday wiilkooda, waxa ayna sheegeen in aysan Hanad aasi doonin ilaa ay caddaalad ka helaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com