Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo baaq u dirtay Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo muran u dhaxeeyo

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay heshiis beenaad uu Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya kula galay magaalada Adis Ababa Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.

Soomaaliya ayaana si weyn uga carrootay ugana hor-timid heshiiska ka dhacay Adis Ababa oo Itoobiya lagu siiyay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana labada dal soo kala dhax galay khilaaf siyaasadeed gaaray meeshii ugu xumeyd.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  Antonio Guterres ayaa ku boorriyay madaxda dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya in ay kawada hadlaan muranka siyaasadeed ee ka dhashay heshiiska badda ee Itoobiya la gashay Somaliland.

“Waxaa mar walba ina haga qawaaniin, qawaaniinteennuna waxay la xiriiraan midnimo, geyiga iyo madaxbannaanida dhuleed ee dalalka, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaana labada dal ugu baaqayaa in xiisada jirta wada xaajood ka galaan ” ayuu yiri Guterres.

Dowladda Soomaaliya ayaana diiday in wadahadal kala gasho arrinta heshiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxa ayna dowladda wadahadal ay la galaan xukuumadda Itoobiya ku xirtay shuruud ah in marka hore raali-gelin bixiso Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddigii ka shaqeyn lahaa hirgalinta damaca Xasan Sheekh oo guddoon doortay

Cabdi Cade

Axmed Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday Maamulka Galmudug iyo caro ka dhalatay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---