Allbanaadir.com
NEWS

Xamse Barre oo guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay shaqo uu qabtay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Q.M siiso Soomaaliya.

Kulankan dhax maray Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo Atul Khare ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, siyaasadda iyo xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Labada masuul ayaa isla soo qaaday sidii Qaramada Midoobay u xoojin lahayd qorshaha lagu xaqiijinayo in ciidanka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadaha amniga dhammaadka sanadkan 2024.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ka guddoomay shahaado sharaf uu ku mutaystay ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida dalka, ayaa uga mahadceliyey Q.M. taageeradooda ku aaddan madaxbannaanida, gobonnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dibad baxayaal careesan oo galay xarun Baarlamaan, Dabna qabadsiiyay

Cabdi Cade

Farmaajo oo Amray in shaqo joojin lagu sameeyo taliyaha Ciidamada Badda Soomaaliya

Cabdi Cade

Dowlada oo si KMG ah u fasaxday Duulimaadyada Caalamiga iyo Hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---