Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo tababar usoo xiray ciidamo cusub oo amnigiisa ilaalinaya (Sawirro)

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee madaxtooyada Hirshabeelle oo mudo tababar uga socday Caasimada Jowhar.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ciidankaan daraawiishta ah ay u diyaarsan yihiin adkeynta amniga caasimada magaalada Jowhar iyo xarunta madaxtooyada.

Cali Guudlaawe ayaa sidoo kale sheegay in ciidankan cusub ay ka qeyb qaadan doonaan wajiga labaad ee howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan maamulka Hirshabelle.

Ciidamada ka howlgala deegaannada maamulka Hirshabelle ayaa inta badan ah ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya, kuwaa oo ku shaqeeya awaamiirta madaxda dowladda Federaalka.

Related posts

War kasoo kordhay Muuqaal Fadeexo ah oo laga faafiyay Madaxweyne Caan ah iyo Wariyaal loo xiray

Cabdi Cade

DEG DEG: Madaxweyne Shiikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali

Israa’iil oo weerar qorsheysan ku dishay Cali Axmed Xassin iyo carro ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---