Allbanaadir.com
NEWS

Askar katirsan Ciidamada Mareykanka oo la xaqiijiyay in ay ku dhinteen biyaha Soomaaliya

Labo askari oo katirsanaa ciidamada badda ee dalka Mareykanka ayaa laga quustay in nolol lagu soo helo, waxaana lasoo afjaray howlgalo lagu baadigoobayay labadan askari oo toban maalmood ka badan lagu la’aa biyaha Soomaaliya.

War kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu sheegay in laga quustay helitaanka labada askari ee katirsanaa ciidamada badda, waxaana hadda loo badinayaa in labadan askari ay dhinteen.

“Waxaan ka baroor-diiqeynaa khasaaraha naga soo gaaray labadayada askeri ee ka tirsan ciidamada badda ee gaarka ah, waxaanan weligeen xushmeyn doonnaa naf-hurnimadooda iyo tusaale ahaan. Waxaan arab taagan nahay qoysaska SEALs, asxaabta, ciidamada badda Mareykanka iyo dhammaan bulshada howlgallada gaarka ah inta lagu guda jiro waqtigan,” sidaas waxaa yir Gen. Michael Erik Kurilla, oo ah taliyaha CENTCOM.

Labada askari ayaa la sheegay in la waayay kadib weerar habeenimo ah oo lagu qaaday dooni laga leeyahay dalka Iran oo maraysey biyaha Soomaaliya, doontaas oo la aaminsan yahay in ay wadey hub iyo rasaas 11-kii Jannaayo, mid kamid ah askarta Mareykanka ayaana doonta ka dhacay , halka askariga kalana isku dayay in uu soo bad baadiyo saaxiibkiis.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Danjirihii ay is afgaareen Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay inuu iscasilay

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo guddi todoba xubnood ka kooban u Magacowday COVID-19 (Akhriso)

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---