Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Ra’isul Wasaarihii hore ee dalka iyo masuuliyiin kale (Sawirro)

Magaalada Garawe ee caasimadda maamulka Puntland waxaa kusii qul qulaya madax hore iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweynaha Puntland ee mar kale dib loo doortay.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay qasriga madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Siyaasiyiin kale oo xilal dalka kasoo qabtay.

Siciid Deni ayaana masuuliyiintan hore uga mahad-celiyay imaatinkooda Puntland iyo ka qeyb galka caleemo saarkiisa, waxa uuna warbixin ka siiyay xaalada Puntland iyo doorashadii uu mar kale guusha ka gaaray.

Xaflada caleemo saarka madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in 25-ka bishan ka dhacdo magaalada Garawe, waxaana xaflada lagu casuumay oo ka qeyb galaya madax kala duwan uu ugu sareeyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

NATO oo ciidamada Jawaabta deg dega ah bixiya ku daabuleysa Bariga Yurub

Cabdi Cade

Kooxo oo hubeysan oo goor dhow dil qorsheysan ka geystay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Garsoore Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ka soo horjeestay go’aankii Maxkamada ICJ

Caydiid Ali
Taboola Ads ---